Kooxda Barcelona aya si xun ku bilaabatay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, Ronald Koeman ayaana isku qoray taariikhda maadama uu yahay tababaraha kooxda.

Barcelona ayaa kaliya 11 dhibcood ka heshay 24 dhibcood oo laga doonayay iyaga oo badiyay 3 kulan 2 kalne bar-baro galay 3 kalena laga badiyay 8-da kulan ee ay ciyaareen.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay Barcelona ku jirto xilli ciyaareedkii ugu xumaa tan ilaa 1995/1996 markaas oo ay si xun ku bilaabatay.

Kooxda ayaa ku bilaabatay si xun xilli ciyaareedkii 2002/2003 iyo 2003/2004 wakhtigaasna waxa ay gaadheen 3 guul, 2 guuldaro 8-dii kulan ee ugu horeeyay waxana ay heleen 12 dhibcood waxana ay hal dhibic ka fiicnaayeen xilli ciyaareedkan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US