(Barcelona) 19 Luulyo 2021. Naadiga Barcelona ayaa illaa iyo haatan dadaal ugu jirta inay xalliso dhibaatooyinka dhaqaale ee sababay culeyska ka heysta dhanka miisaaniyadda mushahar bixinta waxayna sidaas darteed suuq u raadineysaa qaar ka mid ah ciyaartoydeeda.

Barca ayaa lagu soo warramayaa inay toddobaadkan dardar gelineyso inay iibiso xiddigaheeda difaaca ka ciyaara ee Clement Lenglet, Sergino Dest iyo Samuel Umtiti haddii ay u hesho dalabaad macquul ah.

Majaladda Isbaanishka ah ee Sport ayaa warineysay inay Blaugrana saddexdan difaac u raadineyso iib dhaqso ah si ay boos ugu banneeyaan miisaaniyadda mushaharaadka ee haatan hor taagan inay kooxda diiwaankeeda ku darsato saxiixyada ay sameysay xagaagan sida Sergio Aguero, Memphis Depay iyo Eric Garcia oo lagu daray Lionel Messi oo ay haatan la meel dhigeen arrimaha heshiiska cusub.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US