Kooxda Barcelona ayaa heshay wado ay Lionel Messi ugu qancinayso in uu sii joogo kooxda waliba kooxda qalinka ugu duugo heshiis cusub sida ay sheegayaan wararku.

Lionel Messi ayuu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Barcelona waxana lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Marka uu heshiiskiisu dhoco xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona doonayso in ay Messi ku qanciso in uu sii joogo kooxda iyaga oo waliba diyaar u ah in ay kooxda keenaan xiddiga ay isku xulka yihiin ee Sergio Aguero.

Xiddiga Aguero ayaa dhankiisa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana ay u badantahay in uu isaga tago kooxda Man City.

Sidaas darteed Barceona ayaa doonaysa in ay Aguero keento kooxda si ay Lionel Messi ugu qanciyaan in uu kooxda sii joogo waliba heshiis cusub u saxiixo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US