Kooxda Barcelona ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga daafaca dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Germany aya laga reebay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay chelsea ciyaartay kana mid ahaa kulankii ay Chelsea 6/0 uga badisay kooxda Barnsley iyada oo uu Thiago Silva uu kulankiisii ​​ugu horeeyay u saftay kooxda.

Ciyaaris la’aanta Rudiger ayaa heegan galiyay kooxo dhawr ah oo yurub ah iyada oo uu wargayska Kicker sheegay in ay Barcelona hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in uuna heshiiska Rudiger ee Chelsea dhici doonin ilaa xagaaga 2020 Xilli Blues doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato.

Wargayska Kicker ayaa sheegaya in ay kooxo waaweyn doonayaan saxiixa xiddiga kana mid yihiin kooxaha Barcelona, PSG iyo Roma laakiin Barcelona hogaaminayso tartanka.

Sii Akhriso: Somaliland: 4 Qof Oo Ku Dhintay & 11 Qof Oo Ku Dhaawacmay Guri Ku Dumay Dadkii Ka Shaqnayay

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US