MUQDISHO(HALBEEG)-War-saxaafadeed uu soo saaray xafiiska Ergayga gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa lagu sheegay in lagama maarmaan ay tahay xallinta ismariwaaga ka taagan doorashada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa yimid xilli uu waqtiga doorashada soo dhawaanayo, ilaa haddana aan xal rasmi ah laga gaarin tabashooyinka ay garabyada mucaaradka ka qabaan hannaanka loo qabanqaabinayo doorashada.

War murtiyeedka Qaramada Midoobay oo lagu sheegayay mowqifka beesha caalamka ayaa u qornaa sida soo socota:

“Saaxiibbada Soomaaliya ee caalamku waxay aad uga walaacsanyihiin is-mari-waaga ka taagan hirgelinta hanaanka doorasho ee 17-kii Sebtember ay ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah. Waxaan ugu baaqaynaa saamilayda siyaasadeed ee sare inay muujiyaan hoggaan iyadoo la tixgelinayo danta umadda iyo in ay si dhakhso leh u xalliyaan arrimaha ka taagan hirgelinta doorashada iyada oo loo marayo isu-tanaasul, si loo sii guda galo geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo u dhaca sida ugu dhakhsiyaha badan.

Saaxiibbadu waxay ka mahadcelinayaan dadaalladii lagu dhaqaaqay dhowaan. Gaar ahaan, waxay soo dhoweynayaan booqashadii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku tegay Galmudug iyo Puntland; wada hadalladii dhex maray madax sare oo badan oo Soomaaliyeed oo uu Garowe ku martigaliyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni; iyo xiriirradii uu sameeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor,” oo soo gudbiyay talooyinkii ka yimid Garowe unasoo gudbiyay madaxda DFS iyo xubnaha kale ee siyaasadda.

Saaxiibbadu waxay garwaaqsanyihiin in Heshiiska 17kii Sebtember ay ansixiyeen Dowladda Federaalka ah, dhammaan Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo labada gole ee Baarlamaanka, waxaana sidoo kale soo dhoweeyay musharraxiin badan oo u taagan xilka madaxweyne. In kasta oo saaxiibbada iyo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka niyad jabeen in hanaankan uu aad uga hooseeyo doorashooyinka “qof-iyo-cod” ah, ayaa haddana heshiiska 17kii Sebtember wuxuu yahay aasaaska kaliya ee la aqbali karo in loo maro doorashooyinka 2021. Ma jiri karo dib-u-furid lagu sameeyo Heshiiska 17-kii Sebtember ama abuuritaanka hanaan kale ama mid barbar-socda. Waxaa loo baahan yahay in is-faham ballaaran oo loo wada dhanyahay laga gaaro hirgelinta [heshiiskaas] si loo xaqiijiyo kalsooni lagu qabo geeddi-socodkan. Tani waa in ay la jaan-qaaddo ballan-qaadyadii lagu heshiiyay ee shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya. Saaxiibbadu waxay soo dhaweynayaan dadaallo dardar-gelin leh oo sida ugu dhakhsiyaha badan loogu xalliyo arrimaha taagan, looguna soo gabagabeeyo is-faham la gaaro maalmaha soo socda, si ay doorashadu u bilaabato dabayaaqada bishan.

Saaxiibbadu waxay ku boorrinayaan madaxda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan oo ay si buuxda u hirgeliyaan qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ku yeelanayaan baarlamaanka, sidii ay ugu ballanqaadeen heshiiska 17kii Sebtember.

Saaxiibbada caalamku waxay mar kale ku celinayaan in hanjabaad kasta ama adeegsiga rabshado aan la aqbali karin. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeynayaan ahmiyadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed xor ah oo furan kaas oo musharraxiinta ay awoodaan inay si nabad ah ku soo bandhigaan aragtiyadooda isla markaana ay warbaahintu awood u leedahay inay ku shaqeyso xayiraad la’aan.

Waa in la joogteeyo jawigii wadahadalka iyo isu-tanaasulka ku salaysnaa ee hor-seeday in la gaaro Heshiiska 17kii Sebtember si geeddi-socodka doorashada horay loogu sii ambaqaado” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.


Post Views:
10

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US