WASHINGTON(HALBEEG)-Madaxweyne Joe Biden ayaa ku martigelin doona Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kulan ka dhici doona Washington berri oo Khamiis ah.

Uhuru ayaa booqasho labo maalmood ah ku joogaa Mareykanka.

Kenyatta ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo la kulmaya Joe Biden tan iyo markii xilka loo caleemo saaray.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad Jen Psaki ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in labada madaxweyne ay ka wadahadli doonaa arrimo ay kamid yihiin amniga iyo saameynta isbaddalada cimilada.

Sidoo kale qoraalka afhayeenka ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wadahadli doonaan dadaallada lagu difaacayo demoqraadiyada, xuquuqda aadanaha, laguna hiigsanayo nabadda iyo xasilloonida iyadoo sidoo kalena sare loo qaadayo kobcinta dhaqaalaha si loola tacaalo isbedelka cimillada.

Kenya ayaa hadda heysa kursiga wareegtada ah ee golaha ammaanka QM bishan. Mareykanka iyo Kenya ayaa leh wadashaqeyn dhinaca dhaqaalaha iyo ammaanka oo ay soo raacdo la dagaalanka argagixisada.

The post Biden iyo Kenyatta oo Berri Ku Kulmaya Aqalka Cad appeared first on Halbeeg News.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US