Xidiga United ee Bruno Fernandes ayaa hoosta ka xariiqay in ay ahmiyad gaar ah laheyd in ay guul ka gaaraan kooxda West Bromwich oo ay uga badiyeen hal gool rigoore ahaa.

Kulankaas ayaa ka tirsanaa wareegga 9-aad ee horyaalka Ingirisika waxaana goolkaas dhaliyay isla laacibkaas Fernandes

BBC Sport ayuu Bruno ka yiri ” muhiim ayay inoo aheyd in aan badinno kulankaas waayo waxaa naga go`neyd in aan dhibco helno , run ahaantii kulan adag ayuu ahaa”

” Fursado badan ayaan abuurnay , waliba kulankaas waxaa aan soo bandhigi karnay wax ka weyn waxii aan qabanay”

Rigoorada uu dhaliyay ayaa aheyd mid ku celis ah maadaama laadkii hore uu bad baadiyay goolahayaha waxaana loo diiday sababo la xariira in goolhayaha u xariiqinta ka soo dhaqaaqay

“Wax fiican ma aha , waa in rigoorada aad ku dhalisaa laadka hore , run ahaantii ma faraxsani”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US