Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa difaacay kooxda Liverpool ka hor kulankooda FA Cup-ka ee Axada.

Kadib markii ay bar-baro 0/0 ah ku kala bexeen todobaadkii hore Kooxda Jurgen Klopp ayaa booqan doonta Old Trafford Axada kulan ka tirsan FA Cup-ka.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo aan wax guul ah gaadhin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay sidoo kale guuldaro kala kulantay kooxda Burnley Khamiistii.

“Waxan u malaynayaa in ay koox walba marto wakhti adag”ayuu Bruno Yidhi.

“Uma malaynayo in ay Liverpool si xun u ciyaarayso laakiin waxa ayna gaadhay guulihii looga bartay”.

“Marka ay koox guulo gaadho qof walba waxa uu ka hadlaa arintaas laakiin marka ay guulihii gaadhi waayaan waxa uu qof walba odhanayaa waxa ay ku jiraan qaab ciyaareed xun”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Hadii Gacaliyahaagu Kuu Xanaaqsan Yahay, Ku Raali Gali Arimahan, Wuu Ku Cafin Doonaa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US