Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa isku qoray taariikhda kooxda Man United ee premier League kadib guushii ay Red Devils ka gaadhay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Bruno Fernandes ayaa noqday xiddigii 4-aad ee Man United ah ee dhaliya 5 gool oo xidhiidh ah kulmada martida ee kooxda Man United Premier League kadib markii uu shabaqa soo taabtay kulankii Southampton ee Axadii.

Xiddiga reer Portugal ayaa ahaa xiddiga ugu fiican Man United tan ilaa markii uu kooxdakaga soo biiray Sporting Lisbon suuqii January waxana uu dhaliyay 22 gool 13 kalena caawiye ka noqday 36 kulan oo tartamada oo dhan ah.

xiddiga 26 jirka ah ayaa dhaliyay 10 gool 14 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan soona bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Rikoodhkan waxa Bruno kaga horeeyay 3 xiddig oo kale oo Man United ah kuwaas oo kala ah Ruud van Nistelrooy, Robin van Persie & Zlatan Ibrahimovic.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Somaliya Oo Muqdisho Ka Caydhisay Safiirka Kenya U Fadhiyay Somaliya & Sababta Oo La Ogaaday.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US