(Manchester) 18 Sebt 2021. Sida wararku ay tilmaamayaan Bruno Fernandes ayaa lagu lagu wadaa inuu qandaraaska u kordhiyo Kooxdiisa Manchester United, iyadoo aan meesha laga saaraynin in mushaharkiisa kor loo qaado.

Bruno Fernandes ayaa qarka u saaran inuu qandaraas lix sanadood ah qalinka ugu duugo Man United, kaasoo garoonka Old Trafford ku sii hayn doona illaa sanadka 2027-ka, sida uu qoray Ekrem Konur.

Wadahadallada heshiis kordhinta ayaa dhici doona waqti dhow, iyadoo Manchester United ay dooneyso inay 27-sano jirkaan ay mudnaanta siinayso, isla markaana ay shuruudo ku dari doonto heshiiskiisa.

Wararka soo baxaya waxa ay intaa ku darayaan in xiddiga xulka qaranka Portugal ee khadka dhexe ka dheela mushaharkiisa la isku raacay in laga dhigo isbuucii 250,000 oo gini, (Labo boqol iyo konton kun oo gini).

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US