Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii labaad  ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah :

1: Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag

2: Axmed Maxamed Jaamac.

Musharax Axmed Maxamed Jaamac ayaa ka hor inta aan la galin bixinta codadka sheegay in uu ka tanaasulay xilka senatornimada.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in musharax Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu ku guuleystay Kursiga.

Goobjoog News 

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US