(Turin) 28 Luulyo 2020. Tababarihii hore kooxda Juventus ee Carlo Ancelotti ayaa ammaanay waxqabadka Cristiano Ronaldo ee xilli ciyaareedkan, taasoo ka caawisay Bianconeri inay ku guuleysato horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga markii 9-aad oo xiriir ah.

Wargeyska “La Gazzetta dello Sport” ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay macalinka haatan leyliya kooxda Everton ee Carlo Ancelotti, wuxuuna yiri:

“Kani wuxuu ahaa xilli ciyaareedkii caadiga ahaa ee looga bartay Cristiano Ronaldo, wuxuuna sidaan oo kale noqon doonaa xilli ciyaareedka soo socda”.

“Waa ciyaaryahan ay cajiib tahay xirfadiisa, taasoo u ogolaaneysa inuu ku sii jiro heerkiisa ugu sarreeya”.

Si kastaba ha noqotee, Juventus ayaa ku guuleysatay horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan, kaddib markii ay kooxda Sampdoria kaga adkaatay 2-0 kulankoodii la soo dhaafay, iyadoo goolasha Juve ay u kala dhaliyeen Ronaldo iyo Bernardeschi.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US