Cavani Oo Halis Ugu Jira In Sedex Kulan La Ganaaxo , Maxaa U Sabab Ah ?

Weeraryahanka Man United ee Cavani ayaa u nugul in uu la kulmo ganaax kaga imaanaya ururka kubadda cagta Ingiriiska
Cavani ayaa kulankii Southampton waxa uu kooxdiisa ku hogaamiyay guul ay ka gaareen Southampton xilligaas oo uu dhaliyay goolka bar bar dhaca iyo kan guusha waqtigaas oo ay sedex gool iyo laba ku badiyeen
Ka dib ciyaarta ayuu Cavani ugu jawaabay mid ka mid ah taageerayaasha kooxda United oo fikrad ka dhiibtay Twitter-kiisa waxa uuna Cavani xiligaas soo qoray erayga ah Mahadsanid Negrito
Haatan ururka kubadda cagta Ingiriiska ayaa laacibka weydiinaya in uu faah faahin ka bixiyao waxa uu uga gon lahaa eraygaas oo Ingiriiska ka ah hal ku dhig cunsuri balse dhanka Latin America ay ka tahay eray iska kalgaceyl ah .
Negrito ayaa ah koox ku nool deegaano geeri go`an ah oo ku yaal koonfurta qaaradda Asia kuwaasi oo la midib takooro
Cavani ayaa la xusayaa in uu gadaal dambe ka tir tiray qoraalkaas waxaana la xusayaa in uuruka kubadda cagta horay u sameeyeen ganaax ah sedex kulan ah xididgii ku dhaqaaqa cunsurnimo ah