Chelsea ayaa si xoogan u beenisay wararka sheegaya inuu khilaaf soo kala dhex galay N’Golo Kante iyo Frank Lampard.

Isniintii ayuu wargayska reer France ee Le Parisien sheegay in uu xidhiidhka ka dhexeeya Kante iyo Lampard xumaaday waliba xiddigu doonayo in uu isaga tago kooxda suuqa January.

Wararka ayaa sheegayay in uuna Kante ku faraxsanayn kadib markii uu Frank Lampard u diiday in uu tababarka ka maqnaado si uu uga qayb gao arooska saaxiibkiisa.

Laakiin Chelsea ayaa beenisay wararkaas iyaga oo ku tilmaamay war ayna guud ahaan waxba ka jirin.

Xiddiga reer Spain ayaa sidoo kale doonayay in uu sii joogo kooxd xagaagii inkasta oo uu xiiso ka helayay kooxda Inter Milan.

Sii Akhriso: Sarkaal Sare oo ka Tirsanaa Milatariga Somaliland oo Lagu Dilay Magaalada Hargeisa

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US