Kooxda celsea ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Barnsley kulan ka tirsanaa wareega 3-aad ee Carabao Cup-ka kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge.

Kulanka ayuu wacdaro dhigay saxiixa ugu qaalisan chelsea ee Kai Havertz kaas oo dhaliyay saddexley goolal ah kulan uu wacdaro dhigay.

Chelsea ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay iska ilaaliyaan wax lama filaan ah oo uga yimaada kulanka.

Daqiiqadii 19-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay weeraryahanka Tammy Abraham kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kulanka oo dhinac kaliya ahaa ayay cheslea sii waday dadaalka ay ku doonaysay goolasha iyaga oo uu daqiiqadii 28-aad gool u dhaliyay saxiixa cusub ee Kai Havertz kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay chelsea ahayd kooxda gacanta saraysa xilli ay Barnsley ku dhibaatootay in ay iska caabiso.

Qaybtii dambe ayay Blues gabi ahaan ku soo gashay si ka duwan qaybtii hore dhanka qaab ciyaareedka iyaga oo laba jibaaray dadaaladii ay goolasha ku doonayeen.

Daqiiqadii 49-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Ross Barkley kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Kai Havertz ayay wakhti dheer ku qaadan in uu shabaqa soo taabto qaybtii dambe kadib markii uu daqiiqadii 55-aad u dhaliyay chelsea goolkii 4-aad ee ciyaarta.

Isla saxiixa ugu qaalisan Blues ee Kai Havertz ayaa daqiiqadii 65-aad dhaliyay goolka 5-aad ee kooxdiisa iyo saddexleydiisii ugu horaysay ee kooxda chelsea.

Xiddiga Olivier Giroud ayaa soo xidhay goolasha chelsea daqiiqadii 83-aad isaga oo dhaliyay goolkii 6-aad ee ay kooxdiisu ka dhalisay ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea guul weyn ugu soo laabatay wadada guulaha xasuuq ba’ana u gaystay kooxda Barnsley.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US