(London) 19 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dalab lama filaan ah ka gudbisay difaaca kooxda Real Madrid ee Raphael Varane kaasoo bartilmaameed weyn u ahaa Manchester United inkastoo aanan la shaacin qiimaha ku xusan dalabkaas.

Red Devils ayaa lala xiriirinayay saxiixa xiddiga daafaca dhexe ka ciyaara iyo inay kusoo biiriso horyaalka Premier League iyadoo ku dhow inay qiimo gaaraya 50 milyan oo gini kala heshiiso Los Blancos.

Balse wargeyska MARCA ayaa sheegaya inay Blues haatan u muuqato mid saxiixa Varane ku garaaci karta Man United maadaama ay diyaar u tahay inay sare u qaaddo qiimaha dalabkeeda si ay 28-sano jirkan ugu soo weeciso Stamford Bridge halkii u dhaqaaqi lahaa Old Trafford.

Si kastaba ha ahaatee, wararka Spain ka imaanaya ayaa sheegaya inay Real Madrid daafaca Faransiiska kula guuleystay Koobka Adduunka ay ka iibineyso naadigii miiska saarta 60 milyan oo gini, waana lacagaha ay haatan qorsheyneyso Chelsea inay ku dhammeystirto saxiixiisa.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US