Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahalo la furtay kooxa Bayern Munich si ay uga hesho saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Niklas Sule sida ay sheegayaan wararku.

Blues ayaa suuqa ugu jirta daafac cusub xilli uu Thomas Tuchel doonayo in uu xoojiyo daafaciisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka dambe.

Niklas Sule oo 25 jir ah ayay 18 bilood uga hadhsanyihiin heshiiskiisa kooxda Bayern Munich.

Sabab la xidhiidha xaalka dhaqaale ee kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Todo Fichajes ayaa sheegaya in uu Thomas Tuchel doonayo in uu helo saxiixa xiddiga kaas oo lagu iibsan karo 26 milyan oo euro.

Sidaas darteed Blues ayaa haatanba la xidhiidhay Bayern Munich si ay haatan u dhamaystiraan saxiixa xiddiga reer Germany.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US