ADDIS ABABA(HALBEEG)-Dowladda Itoobiya ayaa goor dhow sheegtay in ciidamadeedu ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Adigrat oo 116 km u jirta caasimadda gobolka Tigray ee Makelle.

Dowladda ayaa sheegatay qabsashada magaalada oo ay tilmaantay in ay qeyb ka tahay gulufka ay ciidamadeedu ku doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Makelle.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada dowladda ee ku aaddan qabsashada magaalad Adigrat.

Waxaa wali adag in faahfaahinno dheeri ah laga helo dagaalka ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya Khadka taleefanka iyo kan Internet-ka oo go’an awgood.

Jimcihii shalay ayay ciidamada dowladdu sheegteen in ay qabsadeen magaalooyinka Aksum iyo Adwa ee isla gobolkaas.


Post Views:
27

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US