JOHANNESBURG(HALBEEG)-Wasaaradda caafimaadka dalka Koofur Afrika ayaa sheegtay in tan iyo todobaadkii hore ay xanuunka Coviod-19 ka tallaashay 15,388 howlwadeen oo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka dalkaas.

Koofur Afrika waxaa haataan ka socda olole dadweynaha dalkaas lagaga tallaalayo xanuunka Korona.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay si gaar ah xil weyn isaga saareyso badqabka howlwadeennada caafimaad.

Tallaalka soo gaadhay koofur Afrika oo dhan 80.000 oo dhibcood ayaa saddex dalool dalool la siin doonaa shaqaalaha ka howlgala xarumaha caafimaad ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Koofur Afrika ayaa Talaadadi aynu soo dhaafnay heshay qeybtii ugu horreysay tallaalka Covid-19 ee Johnson & Johnson.

Koofur Afrika waxayay kaalinta 16-aad kaga jirtaa dalalka uu sida ba’an u aafeeyay xanuunka Koron.

Ilaa 1.5 milyan oo qof oo ku nool dalka Koofur Afrika ayuu hayaa xanuuka Korona isaiyada oo ay u geeriyoodeen 49,053 oo qof oo kale.


Post Views:
25

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US