Goolhayaha ugu fiican taariikhda kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Iker Casillas ayaa ku biiray su’aasha muranka badan dhalisay sanadihii ugu dambeeyay ee midkooda fiican xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Iker Casillas ayaa kulamo badan ka hor tagay Lionel Messi sidoo kale kulamo badan ka garab ciyaaray Cristiano Ronaldo sidaas darteed waxa la waydiiyay in uu kala cadeeyo midkooda fiican labada xiddig.

Casillas oo la hadlaya wargayska Defensa Central ayaa ydihi”Waxa laga yaabaa in ayna dadku aqoon u lahayn Cristiano Ronaldo shaqsi ahaan, laakiin anigu waan garanayaa, waa xiddig mar walba doonaya in uu sameeyo horumar waxana uu doonayay in uu noqdo xiddiga ugu fican tan ilaa markii uu yaraa wuuna ku guulaystay arintaas”.

Isaga oo ka hadlaya is bar-bar dhiga Ronaldo iyo Messi ayaa yidhi”Hadii aan is bar-bar dhigo Ronaldo iyo Messi waxa aan odhan karaa waxa qiimo badan waxa uu Ronaldo qabtay marka loo bar-bar dhigo Messi oo leh hibo kubadeed”.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US