Xiddiga Luis Suarez ayaa maanta loo qabtay xaflad macasalaamayn oo ka dhacday garoonka Camp Nou ka hor inta uuna ku biirin kooxdiisa cusub ee Atletico Madrid.

Barcelona ayaa shalay xaqiijisay in uu Luis Suarez si Rasmi ah ugu biiray Atletico Madrid waxana ay maanta u qabteen xaflad iyo shirkii ugu dambeeyay ee kooxda.

Suarez oo oohin is qaban kari waayay ayaa yidhi”arintu aad ayay iigu adagtahay, laakiin waxa aan doonayaa in aan kooxda u mahad celiyo fursada ay i siiyeen iguna kalsoonaadeen kadib markii aan sameeyay khaladkii ugu weynaa xirfadayda oo ahaa in aan qaniinay Giorgio Chiellini Waliba 4 bilood kubada la iga ganaaxay”.

“Waxa aan u xiisi doonaa saaxiibo badan oo aan halkan ku leeyahay, waxa aan Barcelona ku soo qaatay wakhti fiican aniga iyo qoyskayga waxana aan kula guulaystay koobab badan, waxa aan u mahad celinayaa dhamaan taageerayaasha iyo jacaylkii ay ii muujiyeen markii aan imid”.

“Ku biiristaydii Barcelona waxa ay ahayd riyo ii rumaywaday, waxana sharaf ii ah in aan ka garab ciyaaray xiddigaha Barcelona waxana aan kooxda ka tagayaa aniga oo madaxa kor u haya kadib 6 sano oo aan ku soo qaatay kooxda”.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US