(Madrid) 29 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid iyo difaaceeda midig ee Dani Carvajal ayaa isku waafaqay in la kordhiyo sanadaha qandaraaska uu laacibka ku joogo naadiga sida laga soo xigtay El Partidazo de COPE.

Qandaraaskan cusub ayaa ka dhigaya Carvajal inuu Madrid baaqi kusii ahaado ilaa 2024 iyadoo maalmaha soo aaddanna si rasmi ah loogu dhawaaqi doono qandaraas kordhintan.

29-sano jirkan ayaa waayihiisa oo idil ku qaatay Los Blancos marka laga reebo hal sano oo uu amaah ugu soo ciyaaray naadiga Jarmalka ka dhisan ee Bayer Leverkusen.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US