(London) 04 Maajo 2021. Halyeyga kooxda kubadda cagta Arsenal ee Thiery Henry ayaa xaqiijiyay in Daniel Ek uu warqadda dalabka kala wareegista Gunners u gudbiyay Stan Kroenke si uu kaga iibsado kooxda reer England.

Henry ayaa sheegay in Ek oo qayb ka ahaa aas-aasayaasha App-ka Spotify ee laga leeyahay dalka Spain uu haatan jawaab ka sugayo madaxa shuraakada iska leh Arsenal ee Mr. Kroenke isagoo tilmaamay inaysan sahlaneyn in maalqbeenkan uu helo la wareegista Arsenal.

Bilyaneerka Iswiidhiska ah ee jira da’da 38 sano ayaa dhowaan si cad u qeexay damaciisa la wareegista mulkiyadda Gunners oo uu taageere u ahaa illaa siddeed jirkiisii, waxaana uu ka faa’ideysanayaa cadaadiska ay Arsenal saarayaan Mareykanka iska leh kooxdooda si ay u hoos tagaan xukun cusub oo dhanka ciyaaraha wax ka baddeli kara.

MARTIN SAMUEL: If Daniel Ek is serious about Arsenal, show Stan Kroenke the  money - Xingoos

Gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Arsenal ayaa isagoo la hadlayay barnaamijka Monday Night Football ee habeenka Isniinka ka baxa muuq-baahiyaha Sky Sports waxa uu sheegay inuu Daniel Ek lasoo xiriiray isaga iyo halyeeyadii ay soo wada ciyaareen sida Patrick Vieira iyo Dennis Bergkamp si kooxda ay u hesho shaqaale yaqaana naf-hurid.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahankii hore ee xulka qaranka France ayaa taageersan in Ek uu iibsado Arsenal isagoo yabooh gaaraya 1.8 bilyan oo Gini ka gudbiyay iibsashada kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US