(Liverpool) 13 Sebt 2021. Da’yarka Kooxda Liverpool ee Harvey Elliott ayaa u baahday in qalliin lakgus ameeyo todobaadkan kaddib markii uu kala baxay canqowga kulankii ay xalay booqdeen naadiga Leeds United.

18-sano jirkaan Elliott ayaa taakal adag kala kulmay Pascal Struijk qeybtii labaad ee kulankaas, waxaana Struijk la tusay kaarka casaanka ah, halka Elliott isna garoonka dhaawac looga saaray.

Elliott ayaa dhowr daqiiqo dhex yaalay garoonka, inkastoo sariir looga dhexqaaday garoonka markii dambe laguna beddelay Jordan Henderson.

Waxa uu da’yarkaan Elliott bartiisa Instagram-ka ku soo qoray kulanka kaddib farriin u dhignayd: “Waad ku mahadsantihiin farriimihiinna dhallinyaro, waxaan hayaa waddadii soo kabashada.YNWA.”

Markii uu dhaawacmayey Elliott Kooxdiisa Liverpool ayaa ku hoggaaminaysay 2-0 oo ay kala dhaliyeen Mohamed Salah iyo Fabinho, balse Sadio Mane goolka saddexaad dhaliyey dhammaadkii ciyaarta gaar ahaan daqiiqadihii lagu kordhiyey kulanka ee waqti daayaca, waxaana uu kulanku ku dhammaaday 3-0 ay ku soo adkaatay Reds oo marti ahayd.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US