Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhayaha Edouard Mendy oo ay kala soo wareegtay kooxda Rennes.

Goolhayaha reer Senegal ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta garoonka Stamford Bridge.

Goolhaye Edouard Mendy Ayaa noqday saxiixii 7-aad ee ay chelsea xagaagan dhamaystirtay kadib markii uu qalinka ku duugay heshiiska.

Goolhaye Mendy ayaa booska 1-aad ee Goolka chelsea kula tartami doona labada Goolhaye ee Kepa Arrizabalaga & Willy Caballero.

“Aad ayaan u faraxsanahay in aan ku biiro Chelsea, waa riyo run ii noqotay in aan ka qayb noqdo kooxda chelsea”ayuu Mendy yidhi.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US