(Neon) 10 Luulyo 2020. Waxaa goordhow la sameeyey isku aadka wareegga Siddeeda ee tartanka UEFA Champions League, iyadoo ay ka soo baxeen kulamo waa weyn.

Kooxda ugu guulaha badan ee tartankan ee Real Madrid ama Man City tii soo baxda ayaa waxay soo dhaweyn doontaa Juventus aman Lyon midi iyadana soo gudubta.

Halka Atletico Madrid ay garoonkeeda Wanda Metropolitano ku soo dhaweyn doonto midkood kooxaha Napoli ama Barcelona tii soo baxda.

Isku aadka wareegga Siddeeda oo dhammaystiran halkaan hoose ka eeg:-

Real Madrid ama Man City Kooxda vs Juventus aman Lyon.

Atletico Madrid vs Napoli ama Barcelona.

Bayern Munich ama Chelsea vs Atalanta

Paris St-Gemrain vs RB Leipzing

Goormee la ciyaari doonaa qaabkeese loo ciyaari doonaa wareegga Siddeeda Champions League?:-

Waxaa la ciyaari doonaa kulamada wareegan hal Lugta oo kaliya sababa la xiriira caabuqa Coronaviruses iyadoo la dheeli doono inta u dhaxeysa 12-ka iyo 15-ka bisha August,

Halka afar dhamaadka la ciyaari doono 18-ka iyo 19-ka bisha August, iyadoo 23-ka isla bishaas ay ciyaari doonaan labada kooxood ee isugu soo harta kulanka finalka.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US