(Muqdisho) 08 Juun 2021. Kooxda kubadda cagta Dekedaha ayaa guul ay u qalantay ka gaartay naadiga Jeenyo kulan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta Horseed.

Daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta kooxda Dekedaha ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Anwar Siid Cali Shakundha, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Asagou Emeka.

36 daqiiqo marka ay dheesha mareysay xiddiga Lambarka 7-aad ee Daadir Xasan Xaashi ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Dekedaha.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

46 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd laacibka Lambarka 80-aad ee kooxda Jeenyo Xasan Cabdi Xasan ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-1, kaddib markii uu ka faa’ideystay kubad laad xur ah uu soo laaday Craxmaan Shimaali.

Daqiiqadii 89-aad kooxda Dekedaha ayaa sii dheereysatay hoggaaminta dheesha kaddib markii uu 3-0 ka dhigay Xaaji Macalim oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Asagou Emeka.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 5-0 ay kaga adkaatay Dekedaha, kooxda Jeenyo, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US