(Turin) 13 Sebt 2021. Halyeeyga Juventus ee Alessandro Del Piero ayaa carabka ku adkeeyay in ka tagistii Cristiano Ronaldo ee kooxda laga yaabo inay noqoto mid faa’ido dhaqaale u leh Bianconeri.

Bishii la soo dhaafay, Cristiano Ronaldo ayaa soo afjaray xiriirkii kala dhexeeyay kooxda Juventus, kaddib saddex xilli ciyaareed uu ku qaatay magaalada Turin, isaga oo ku biiray kooxda Manchester United.

Football Italia ayaa shaacisay wareysi uu bixiyay halyeeyga kooxda Juventus ee Alessandro Del Piero, wuxuuna yiri:

“Sida iska cad, Ronaldo ma uusan dooneynin inuu sii joogo Juventus, sida cad waxay noqon kartaa faa’iido, maadaama aan la bixin doonin mushaharkiisii badnaa, waa inaan isku qiyaasnaa ilaha dhaqaale.”

“Waxaan u maleynayaa in weerarka Juventus uu noqon karo mid tartan badan.”

“Ronaldo waa geesi, waxayna ahayd in lala saxiixdo, laakiin dhibaatada waxay la xiriirtaa, in kooxda ay ku guuldarreysatay inay hormariso hareeraha xiddiga.”

“Natiijada Yurub ma ahayn sidii la filayay, laakiin markaan eegno kooxaha kale ee aan weli ku guuleysan Champions League, waxaan fahamsanahay in maal-gashigu uusan mar walba la mid ahayn guulaha.”

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US