(Barcelona) 12 Okt 2021. Weerarka kooxda Barcelona ayaa laga rajo qabaa inuu wanaagsanaado kaddib markii ay tababarka kusoo laabteen Ousmane Dembele iyo Sergio Aguero.

Dembele ayaa kasoo muuqday tababarka kooxda markii ugu horreysay tan iyo markii qaliin looga sameeyay jilibkiisa midig oo uu ka dhaawacmay kulankii uu xulkiisa France la ciyaaray Hungary tartankii Euro 2020.

Dhinaca kale, Aguero oo Barca ugu soo biiray si bilaash ah xagaagii kaddib markii uu soo gabagabeeyay 10 sano oo uu ku sugnaa Manchester City isla markaana aanan wali u safan kooxda reer Spain ayaa tababarka kooxda kusoo laabtay markii ugu horreysay tan iyo dhaawacii kubka kasoo gaaray isagoo tababarka ku jira 8-dii bisha August.

Si kastaba ha ahaatee, labada xiddig ayaa tababar wanaagsan sameeyay, balse sida laga soo xigtay barta rasmiga ah ee ay Barcelona ku leedahay Twitter-ka, weeraryahannadan ayaa u baahan in waaxda caafimaadka ay siiyeen fasax buuxa oo ay ku ciyaari karaan.

Kooxda Macallin Ronald Koeman ayaa la ciyaari doonta naadiga Valencia ciyaar ka tirsan La Liga oo dhici doonta Axadda iyadoo kaliya hal guul gaartay lixdii kulan ee ugu dambeysay tartammada oo dhan xilli ay afar ka mid ah kulammadaas gool dhalin kari weysey.

Kaddib kulankaas waxaa Barca u xigi doona Dynamo Kyiv oo ay 20-ka bishan la ciyaari doonto kulan ka tirsan Champions League waxayna afar maalmood kaddib kusoo laabaneysaa La Liga oo ay ku wajihi doonto Real Madrid kulanka loo yaqaano El Classico.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US