(Barcelona) 04 Maajo 2021. Xiddiga kooxda Lyon ee Memphis Depay ayaa lagu soo waramayaa in uu guri ka baadi goobayo magaalada Barcelona ee dalka Spain kaddib markii uu aqbalay in uu dhimo mushaarkiisa si uu qaab bilaash ah ugu biiro kooxda Barca.

Qandaraaska 27-jirkan ayaa dhacaya bisha June ee sanadkaan , waxaana si aad loola xiriirinayaa inuu macallinka ay wada dhalashada yihiin ee Ronald Koeman kula biiro garoonka Camp Nou.

Koeman: 'For Depay to arrive, Barcelona must first sell'

Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in suuro galnimada dhammeytirka Barcelona ee heshiiska Depay ay u muuqato mid dhow maadaama xiddigii hore ee Manchester United uu ka raadinayay magaalada Barcelona guri uu dego markuu uu Blaugrana usoo dhaqaaqo.

Warsidaha Isbaanishka ah ee Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Weeraryahanka reer Netherlands uu saaxiibbadiisa ku sugan dalka Spain u diray guri uu ka dago meel u dhow garoonka Camp Nou, taasoo sii bidhaamineysa inuu laacibkan usoo hayaamo Barcelona.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US