MUQDISHO(HALBEEG)-Wasiirka WarfaafintaSoomaaliya, Cismaan Abuubakar Dubbe ayaa ka hadlay guuxa dadweyne ee ku aaddan in ciidamo Soomaali ah oo Eretrea tababar u joogay ay ka qeybgaleen dagaalka gobolka Tigray.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintan ku tilmaamay waxba kama jiraan wararka ku aaddanna la siyaasadeynayo.

“Waa wax kama jiraan, Ma jiro ciidan Soomaliyeed oo Tigray ka dagaallamay. Dhalinyaradeenna waxey wali Eritrea noogu maqan yihiin Tababar mana jiro qof ka dhintay iyagoo caafimaad qaba ayay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda marka ay tababarka dhamaystaan”ayuu yiri Wasiir Dubbe oo intaa ku daray “Kama hadlaan siyaasiyiinta Xadgudubyada Kenya ay dalka ku hayso,carruurta dhimanayso oo ay duqeynta ku dileyso,balse waxay ajande ka dhigteen askar tababar ku maqan”.

Hadalka wasiirka ayaa yimi iyada oo maanta Muqdisho uu ka dhacay dibadbax ay dhigayeen waalidiinta dhallinyaradaas oo dalbananay in ay helaan xogta askartaas.

Walaaca waalidiinta ayaa kordhay kaddib markii ay soo baxday warbixinta sanadlaha ah ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay taas oo lagu sheegay in ciidan Soomaali ah lagu arkay gobolka Tigray oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya ciidamada militariga Itoobiya oo ay taageerayaan kuwa Eritrea iyo jabhadda TPLF.

The post DFS oo Beenisay In Askar Soomaali ah ay Ka Dagaallameen Itoobiya appeared first on Halbeeg News.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US