Kooxda Arsenal ayaa bar-baro la gashay kooxda Leeds United kulan ka tirsnaa horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ku dhamaaday bar-baro 0/0 ah iyada oo ay kooxda Arsenal mar kale ku fashilantay in ay gool ka dhaliso horyaalka premier League.

Kadib bar-baraha kooxda Arsenal ayaa boodhka ka jafatay rikoodh xun oo ay horyaalka Premier League ka dhigtay 33 sano ka hor.

Kooxda Arsenal ayaa dhalisay kaliya 9 gool 9-ka kulan ee ugu horeeyay ee ay ciyaartay premier League xilli ciyaareedkan.

Arintaas ayaa la macno ah in ay Arsenal dhalisay goolashii ugu yaraa ee todobaadkan oo kale markii ugu horaysay 1986/1987 markaas oo ay dhaliyeen 6 gool.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US