DUBAI(HALBEEG)-Shirkadda dekedaha Dubai ee DP World iyo wakaaladda horumarinta maaliyadda ee dalka Ingiriiska ee CDC ayaa 1.7 bilyan oo dollar ku maalgelinaya kaabayaasha dhaqaalaha Afrika.

Maalgashigan ayay sheegeen in lagu casriyeynayo saddex dekedood oo ay maamusho DP World kuwaas oo kala ah Ain Sokhna ee dalka Masar, dekada Dakar ee dalka Senegal iyo dekdada Berbera ee Soomaaliya, sida ay sheegtay CDC.

Maalgashiga wadajirka ah ayaa lagu ballaarin doonaa dalalka kale ee Afrika, taas oo ay rajaynayaan DP World iyo CDC inay dardargelin doonto ganacsiga gudaha iyo dibedda ee qaaradda.

“Waxaannu leennahay aragti isku mid ah annag iyo DP World, taas oo ah inaan maal-gashi ku sameyno dekado badan oo qaaradda oo dhan ah intii suuragal ah,” ayuu Madaxa CDC Tenbite Ermias u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Iskaashiga labadan shirkadood ayaa sidoo kale qorshayna inay maalgeliyaan, kaabayaasha dhaqaalaha, sida kaydka konteenarada iyo saldhigyada xarumaha ganacsiga.

CDC ayaa yeelan doonta saamiga wax ka yar kalabar saddexdan dekedood, sida uu sheegay Ermias.

CDC ayaa sheegtay in maalgashigan uu hagaajin doono helitaanka badeecadaha muhiimka u ah 35 milyan oo qof, oo ay ku jiraan waddamada deriska ah, iyagoo sidoo kale abuuri doona 5 milyan oo shaqo, isla markaagana ay $51 bilyan ku dari doonaan ganacsiga guud marka la gaaro sanadka 2035.

The post DP World oo Balaayiin Doollar Ku Malgelinaysa Dekedo ay Berbera Kamid Tahay appeared first on Halbeeg News.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US