Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Edinson Cavani ayaa raali galin ka bixiyay qoraal lagu tilmaamay mid cunsuri ah oo uu ku soo oqray bogiisa Instagram kadib labadii gool ee uu u dhaliyay Man United kulankii Southampton.

Ka dib ciyaarta ayuu Cavani ugu jawaabay mid ka mid ah taageerayaasha kooxda United oo fikrad ka dhiibtay Twitter-kiisa waxa uuna Cavani xiligaas soo qoray erayga ah Mahadsanid Negrito.

Haatan ururka kubadda cagta Ingiriiska ayaa laacibka weydiinaya in uu faah faahin ka bixiyao waxa uu uga gon lahaa eraygaas oo Ingiriiska ka ah hal ku dhig cunsuri balse dhanka Latin America ay ka tahay eray iska kalgaceyl ah.

Negrito ayaa ah koox ku nool deegaano geeri go`an ah oo ku yaal koonfurta qaaradda Asia kuwaasi oo la midib takooro.

Cavani ayaa yiri: “Fariinta aan soo dhigay ciyaarta kadib axadii waxaa loogu talagay salaanta kalgacalka leh ee saaxiibkey, waxaan uga mahadcelinayaa hambalyada uu sameeyay ciyaarta kadib”.

“Waxa ugu dambeeya ee aan doonayo ayaa ah in aan cunsuriyeeyo qof kale”.

“Waxaan gebi ahaanba ka soo horjeedaa cunsuriyada oo waan tirtiray fariinta isla markii la ii sharaxay, waxana loo sharixi karaa si kale ,waxa aan doonayaa in aan si daacad ah raali galin uga bixiyo arintan”.

Manchester United ayaa sidoo kale hada ka hadashay dhacdadan, waxayna tiri: “Waxaa noo cadaatay in gabi ahaanba aysan jirin ujeedo xumaan ah oo ka dambaysay fariintii Edinson, wuuna masaxay isla markii loo sheegay in si khaldan loo fahmi karo”.

“Edinson waxa uu bixiyay raali galin ku saabsan dambi aan ula kac ahayn oo uu sababay”.

“Manchester United iyo dhamaan ciyaartoydeena waxaan si buuxda uga go’an la dagaalanka midab takoorka”.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Somaliya Oo Muqdisho Ka Caydhisay Safiirka Kenya U Fadhiyay Somaliya & Sababta Oo La Ogaaday.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US