(Manchester) 03 Maajo 2021. Sida wararku ay sheegayaan ciyaaryahankii hore ee Premier League, Van de Saar ayaa xaqiijiyey inay la soo xiriirtay Kooxdiisii hore ee Manchester United.

Goolhayihii hore ee Kooxda Manchester United, Edwin van de Saar ayaa sheegay in kooxdu ay isku dayday inay ka dhaadhiciso inuu ku soo laabto qolka labiska.

“Manchester United? Had iyo jeer waa ay fiican tahay in la akhriyo waxyaabaha wanaagsan ee adiga kugu saabsan,” ayuu Van de Saar u sheegay Shabakadda ciyaaraha ee ESPN.

“Qof walba waa qof hami ka leh nolosha, ma ila soo xiriireen? Haa, hore ayay iila soo xiriireen dhowr sano ka hor.” ayuu hadalkiisa ku daray Goolhayihii hore ee Kooxda Manchester United.

Edwin van der Sar oo 50 sano jir ah ayaa haatan ah Madaxa fulinta ee Kooxda Ajax, waxaana ay kooxda ka arrimisa garoonka Old Trafford ee Manchester United doonaysaa inay doorkan ka qabto kooxda kaalinta labaad kaga jirta iminka horyaalka Premier League.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US