(Toronto) 14 Okt 2021. Difaaca bidix ee Bayern Munich, Alphonso Davies oo inta badan doorarka weerarka uga ciyaara qarankiisa Canada ayaa dhaliyay gool uu xulkiisa hoggaanka ugu dhiibay kulankii ay la ciyaareen xulka Panama saakay aroortii xilliga Geeska Afrika kaasoo ka tirsanaa is-reeb-reebka Koobka Adduunka 2022.

Goolkaas uu dhaliyay Davies ayaa ahaa mid ah si shaqsi ah uu uga shaqeeyay isagoo kubadda ka qaatay qaybta xulkiisa isla markaana la dhex jeexay xiddigaha Panama illaa uu goolhayaha la dhaafay dabadeedna dhaliyay, waxaana goolkaas uu si aad ah usoo jiitay fannaanka caanka ah ee Drake kaasoo fariin usoo diray difaaca Bayern si ay wada kulmaan.

Drake oo daawanayay kulankii xiddigaha qarankiisa Canada ay ku adkaadeen 4-1 ayaa la dhacay goolka Davies waxaana fariintiisa soo qaaday macallinka xulka dhaca Waqooyiga qaarad weynta Ameerika ee John Herman.

Farriintii Drake:

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US