(Barcelona) 12 Juun 2021. Daafaca dhex ee Barcelona, Gerard Pique ayaa qiray in kooxdiisu ay awooddo inay la soo saxiixato Weeraryahanka Naadiga Borussia Dortmund ee Erling Haaland xagaagan.

Dhaqaalaha Kooxda Blaugrana ayaa ku jira xaalad qatar ah, laakiin wali waxaa jirta rajo wanaagsan oo ah inay xiddig magac weyn leh ku keeni karaan xagaagan garoonka Camp Nou.

Gerard Pique ayaa wax laga weydiiyay weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland markii uu lahadlayey YouTuber-ka Ibai Llanos, wuxuuna sheegay inuu ku soo dhaweynayo ciyaaryahanka dalka Spain.

“Wax fikrad ah kama haysto, waxaan rajeynayaa inuu yimaado [Barcelona],” Pique ayaa sidaa yiri mar uu la hadlayey YouTuber-ka Ibai Llanos.

“Ciyaartoyda waa weyn waa inay na mid ahaadaan, laakiin taasi waa go’aan ay kooxdu qaadanayso, way ogaan doonaan.” ayuu hadalkiisa ku daray daafaca reer Spain.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US