CALIFORNIA (HALBEEG) – Google ayaa Jimicihii ku dhawaaqday in ay soo kordhineyso adeegyo cusub oo dadka Mareykanka ku nool ay ku heli karaan goobta ugu dhow ee uu cod-bixiyuhu codkiisa ka dhiiban karo doorashada dhowaan ka dhaceysa Mareykanka.

Hannaankan ayey shirkaddu sheegtay in dadku ay ku qori donaan goobta wax laga raadiyo ee Search Engine-ka iyo sidoo kale adeegga Google Voice Assistant.

“Hannaanka cusub ayaa cod-bixiyeyaasha u sahli doona inay helaan meesha ugu dhow ee ay ka codeen karaan iyagoo adeegsan doona Search Engine iyo Google Voice assistant” ayaa lgu yiri qoraal ka soo baxay Google.

Waxay sheegtay in adeegga Voice assistant uu cod-biyaha u sheegi doona xogta doorashada iyo meesha ugu dhow uu codkiisa ka dhiiban karo iyo waqtiga codeynta intaba.


Post Views:
29

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US