LIVERPOOL (HALBEEG) – Gool-hayaha kooxda Liverpool Alisson ayaa shaaca ka qaaday inuu “boqolkiiba boqol taam yahay” ka dib markii uu beeniyay saadaashiisii ugu horreysay ee aheyd in uu lix todobaad oo uu garoomada ka maqnaan doono.
wuxuu ku soo laabtay safka tababarka Liverpool isbuucii hore.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa garabka ka dhaawacmay xilli tababar uu isugu diyaarinayey safarkii 4tii Oktoobar ee Aston Villa, kaasoo maqnaanshihiisa kooxda heysata Premier League looga adkaaday 7-2.

Waxa uu sidoo kale fadhiyay kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Everton iyo 1-0 ay kaga badiyeen Ajax ee Champions League.

laakiin wuxuu ku soo laabtay tababarka kulankii sabtidii 2-1 kaga badiyeen Sheffield United.

Alisson ayaa la filayaa inuu kulanka caawa ciyaaro, kaas oo ka tirsan Champions League kaas oo ay Liverpool kula ciyaareyso kooxda heysata horyaalka Denmark ee Midtjylland.


Post Views:
28

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US