(Milan) 08 Juun 2021. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa la sheegay inay aad ugu dhowdahay dhammeystirka saxiixa Goolhaye Gianluigi Donnarumma oo ay bilaash ku heleyso.

Donnarumma ayaa soo gabo-gabeynaya siddeed sano oo uu ka tirsanaa kooxda AC Milan xagaagan kaddib markii kooxda Taliyaaniga ah ay ku guuldarreysatay inay heshiis cusub ka saxiixato xiddigeeda.

22-sano jirkan ayaa qaab bilaash ah ugu biiraya kooxda PSG xagaagan haddii la dhammeystiro heshiiskaas, waxaana kooxda reer France ay saxiixa xiddigan ku garaacday kooxaha Chelsea, Juventus iyo Manchester United.

Sida laga soo xiganayo wargeyska Sky Sports, Paris ayaa qandaraas shan sano ah usoo bandhigtay Donnarumma iyo mushahar dhan 10 milyan oo gini oo u dhiganta 12 milyan oo euro, waxaana qandaraaska uu ku noqonayo goolhayaha PSG uu sidoo kale ku qaadan doonaa gunnooyin la xiriira qaab-ciyaareedkiisa.

Haddii uu dhammeystirmo heshiiska, xiddiga Rosseneri ayaa tijaabada caafimaadka ku mari doona xerada ay tababarka ku sameynayaan xiddigaha xulka qaranka Taliyaaniga ee ku taalla magaalada Coverciano kahor inta uusan bilaaban tartanka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2020 kaasoo la baasan doono 11-ka June.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US