(Manchester) 01 Agoosto 2020. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa doonaya inuu la soo wareego mid ka mid ah ciyaartooyda waa weyn ee naadiga Barcelona.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Sport” ee dalka Spain Guardiola wuxuu doonayaa inuu la soo saxiixdo xiddiga kooxda Barcelona ee Sergi Roberto, inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Wargeyska ayaa tilmaamay inuu horey u jiray wada hadalo kale ee u dhexeeyay kooxaha Man City iyo Barcelona  ee ku aadanaa inay is dhaafsadaan xiddigaha Nélson Semedo iyo João Cancelo.

Manchester City ready to meet £35.75m Barcelona release clause of ...

Laakiin wargeyska “Sport” ayaa wuxuu markan shaaca ka qaaday in Manchester City ay haatan xiiseyneyso Sergi Roberto marka loo fiiriyo Nélson Semedo, maadaama uu Sergi ka ciyaari karo in ka badan hal boos.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Manchester City ay diyaar u tahay inay Barcelona siiso qiimo aad u sarreeya si ay u xaliso heshiiska Sergi Roberto.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US