(Manchester) 12 Juun 2021. Jadon Sancho ayaa la soo warinayaa inuu qarka u saaran yahay inuu ka mid noqdo kooxda Manchester United, waxaana xitaa la wariyey inuu heshiis shaqsi ah oo shan sanadood ah la gaaray Man Utd, kaasoo garoonka garoonka Old Trafford ku sii hayn doona ilaa sanadka 2026-ka.

Haddaba waxaa la isweydiinayaa mushaharka uu xiddigan ka qaadan doono kooxda Manchester United, Jadon Sancho ayaana haatan qarka u saaran inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu mushaharka badan Premier League, iyadoo Man United ay sii wadeyso wadahadallada ay kula jirto Kooxda Borussia Dortmund ee ku aaddan qiimaha ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer England.

Wargeyska The Mail ayaa warinaya in Sancho haddii uu ku biiro kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford uu kasban doono mushahar la mid ah kan Goolhaye David De Gea uu isbuucii qaato, kaasoo dhan 375,000 oo gini, taasoo ka dhigeysa Sancho inuu ka mid noqdo shanta xiddig ee ugu mushaharka badan horyaalka Premier League.

Man United ayaa horay u gudbisay dalab qiimihiisu yahay 67 milyan oo gini oo u dhiganta 94 milyan oo dollar oo lagu daray lacag dheeraad ah, kaasoo ay soo diiday Dortmund, iyadoo kooxda reer Jarmal ay dalbanayso wadar ahaan lacag isku xiran oo dhan 86 milyan oo gini ama 121 milyan oo dollar.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US