Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Miralem Pjanic kaas oo kala soo wareegtay kooxda Juventus.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Bosnia ee Miralem Pjanic ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay kooxda Barcelona samayso suuqa xagaaga isaga oo si Rasmi ah ugu biiray Barcelona.

Miralem Pjanic ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah kaas oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo lacag dhan 400 oo Milyan kooxda doonaysa saxiixiisa.

Xiddiga khadka dhexe ayaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan sii joogi doono kooxdiisa Juventus ka hor inta uuna ku soo biirin kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Sports Mole ayaa soo saaray halka uu Pjanic ka gali doono shaxda Barcelona hadii uu ku biiro xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US