(Manchester) 13 Okt 2021. Halyeeyga reer Uruguay ee Gus Poyet ayaa kula taliyay laacibka ay isku wadanka yihiin ee Edinson Cavani, inuu ka tago kooxda Manchester United.

34 jirkaan ayaa ciyaaray kaliya 115 daqiiqo kooxda Manchester United tartamada oo dhan tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay halyeeyga reer Uruguay ee Gus Poyet, wuxuuna yiri:

“Edinson Cavani nasiib ma lahayn, inta uusan imaan Ronaldo wuxuu u ciyaarayay weeraryahan toos ah.”

“Waxaa laga yaabaa inuu baxo bisha Janaayo, laakiin haddii aan isaga ahaan lahaa, waan arki lahaa sida ay hadda wax u socdaan.”

Edinson Cavani should leave Man United in January after losing his place to Cristiano Ronaldo - Saty Obchod News

Weeraryahanka reer Uruguay ayaa dhaliyay 17 gool xilli ciyaareedkii hore 32 kulan oo uu la ciyaaray Red Devils, tartamada oo dhan.

Edinson Cavani ayaa kursiga keydka fadhiyay labadii kulan ee Uruguay ay la ciyaareen Colombia iyo Argentina isreeb reebka koobka adduunka 2022.

Waxaa xusid mudan in Cavani uu ku soo bilowday kulankii Man United iyo Everton ay ku wada ciyaareen garoonka Old Trafford, ee horyaalka Ingiriiska, kahor kulammada caalamiga ah, kaasoo ku dhammaaday barbardhac 1-1 ah.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US