KAMPALA(HALBEEG)-Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa marwo Jessica Alupo oo ahayd sarkaal howlgab ah waxa uu u magacaabay in ay noqotay madaxweyne ku xigeenka dalkaas.

Sidoo kale madaxweyne Musaveni ayaa marwo Robinah Nabbanja, oo ah xubin sare oo kamid ah xisbiga talada haya, ayuu u magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda Uganda iyada oo xilka kala wareegi doonta Ruhakana Rugunda. Nabbanja ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horreysay ee qabata xilka ra’iisul wasaarannimo ee dalkaas tan iyo kolkii uu xornimada qaatay 1962-kii.

Magacaabista xubnahan sarsare ayaa timid iyada oo uu madaxweyne Musaveni uu ku dhawaaqay golihiisa cusub ee wasiirrada oo ka kooban 31 wasiir, iyo ku xigeenadooda oo gaaraya 50.

Golaha cusub ee uu madaxweynuhu soo magacaabay waxaa ka dhex muuqda toban wasaaradood oo ay hoggaamin doonaan haween.

Golahan wasiirrada ee cusub waxaa ka muuqda xubno badan oo ka yimid dhanka ciidamada.

Kiryowa Kiwanuka oo kamid ah qareennada madaxweynaha, ayaa haatan loo magacaabay xilka xeer ilaaliyaha guud ee dalkaas.

Sam Kuteesa, oo ah wasiir arrimo dibadeedkii ugu waqti dheeraa ee dalkani, ayaa haatan kasoo muuqan liiska cusub ee golaha wasiirrada.

 

 

The post Haweeneydii Ugu Horreysay oo Xil Ra’iisul Wasaarenimo Ka Qabatay Uganda appeared first on Halbeeg News.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US