(London) 28 Luulyo 2021. Sida laga soo xigtay war sidaha “Tuttosport”, daafaca dambeedka midig ee reer Spain Hector Bellerin ayaa si adag ugu muujiyay maamulka Arsenal inuu doonayo u dhaqaaqista kooxda Inter Milan.

Albert Botines oo ah wakiilka Bellerin ayaa lagu wadaa inuu dhawaan la kulmo kooxda reer London ee Arsenal si uu ugala hadlo bixitaanka xiddiga uu wakiilka ka yahay oo doonaya inuu helo khibrad cusub oo Yurub ah.

Warbixintan ayaa sheegeysa in 26 jirkaan daafaca midig ee kooxda Arsenal joogay in ka badan toban sano, uu doonayo inuu u ciyaaro kooxda heysata horyaalka Talyaaniga.

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa bar-tilmaameed koowaad ka dhigatay Hector Bellerin, si uu ugu noqdo badelka Achraf Hakimi, kaasoo ku biiray naadiga Paris Saint-Germain.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US