Kooxda Liverpool ayaa marti galinaysa kooxda Ajax kulan ka dhici doona Anfield kana tirsan kulankii 5-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib markii ay guuldaro kala kulmeen Atalanta kulankii champions League sidoo kale bar-baro la galay Brighton kulan Premier Leageu.

Kooxda Liverpool ayaa iska xaadirin karta wareega xiga hadii ay garaacdo Ajax kulanka Anfield ka dhici doona ee champions League.

Dhanka kale Ajax ayaa u dagaalamaysa in ay u gudubt wareega xiga kadib laba guul oo xidhiidh ah oo ay ay ka gaadheen tartanka.

Kulanka: Liverpool Vs Ajax

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 4-aad ee Liverpool iyo Ajax ku dhexmara tartamada yurub iyada oo Liverpool kulan badisay sidoo kale Ajax kulan badisay mid kalena bar-baro galeen.

Kulankii kaliya ahaa ee ay Ajax Liverpool booqatay tartamada yurub ayaa dhacay 1966/1967 waxana uu ku dhamaaday bar-baro 2/2 ah.

Guuldaradii Liverpool ka soo gaadhay Atalanta ayaa soo afjartay 8 kulan oo xidhiidh ah oo guuldaro la’aan ah oo wareega Group-yada tartanka champions League ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US