Kooxda Mna United ayaa marti galin doonta kooxda Liverpool kulan ka dhici doona Old Trafford kulan ka tirsan waereega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka.

Markii labaad muddo todobaad ah labada kooxood ee ugu guulaha badan kubada cagta England ayaa isaga hor iman doona kulan ka tirsan FA Cup-ka.

Labada Kooxood ayaa isha ku haya in ay iska xaadiriyaan wareega xiga ee tartanka FA Cup-ka si ay u sii wadaan u tartamista koobka ugu da’da weyn taariikhda kubada cagta.

Kulanka: Man United Vs Liverpool

Tartanka: FA Cup-ka

Wakhtiga: 8:30 Fiidnimo

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Guud ahaan kooxda Man United ayaa ka horaysa guulaha iyada oo labada kooxood wada ciyaareen 205 kulan tan ilaa 1894 iyada oo kooxda Man United badisay 80 kulan halka ay Liverpool badisay 67 kulan halka 58 kulan ku dhamaaday bar-baro.

Hadii aan tartanka FA Cup-ka ka hadlano Labada kooxood ayaa kulmay 17 kulan oo hore iyada oo Man United badisay 9 kulan sidoo kale Liverpool badisay 4 kulan halka 5 kulan bar-baro galeen.

Kadib markii ay Man United 7 kulan oo xidhiidh ah ka badisay Liverpool FA Cup-ka intii u dhexaysay 1948 ilaa 199, Liverpool ayaa badisay 2 ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Man United.

Man United ayaa ah kooxda ugu badan ee Liverpool ka reebtay tartanka FA Cup-ka iyaga oo ka reebay 9 jeer iyada oo ay ku jiraan kulamo Final ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US