(Bern) 14 Sebt 2021. Naadiga Manchester United oo ay ka muuqato dardar xooggan xilli ciyaareedkan ayaa dooneysa inay si qurux badan ku furato marka ay caawa booqato kooxda BSC Young Boys ciyaarta koowaad ee guruubka F ee tartanka Champions League.

Red Devils ayaa safkeeda waxaa ku jira Cristiano Ronaldo kaasoo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Champions League.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – Champions League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:45 Fiidnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Stade de Suisse Wankdorf

Garsooraha: Francois Letexier (France)

Wararka Kooxaha:

David Wagner oo hoggaamiya naadiga Young Boys ayaa walaac dhanka dhaawacyada ah wajahaya isagoo aanan caawa heysan lix ka mid ah xiddigahiisa kooxda koowaad kuwaasoo kala ah Fabian Lustenberger, Cedric Zesiger, Esteban Petignat, Nico Maier, Joel Monteiro iyo Jean Pierre Nsame.

Si taas la mid ah, Macallinka Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaanan heli doonin shan ka mid ah kooxdiisa koowaad kuwaasoo kala ah Dean Henderson, Alex Telles, Scott McTominay iyo Marcus Rashford, waxaana diiwaanka dhaawacyada ku cusub isla markaasna lix ku ah Edinson Cavani.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Naadiga BSC Young Boys ayaa guuldarro la kulantay labadii ciyaarood ee ay Manchester United ku wajahday UEFA Champions League waxayna kulammadaas ahaayeen wareeggii guruubyada ee xilli ciyaareedkii 2018/19.

Manchester United ayaa adkaatay 50% kulammadii ay Champions League kaga hortagtay kooxaha ka dhisan Switzerland iyadoo afar guul ka gaartay, labo barbarro la gashay labo kalena guuldarro la kulantay siddeed jeer oo ay la ciyaartay.

Marka la joogo tartammada Yurub, naadiga Young Boys ayaa adkaatay kaliya hal kulan siddeed jeer oo ay la ciyaartay kooxaha Ingiriiska ka dhisan iyadoo la garaacay lix jee, midna barbarro heshay, waxayna 3-2 kaga adkaatay naadiga Tottenham Hotspur ciyaarihii play-off-ka ee loogu soo baxayay Champions League bishii August ee sanadkii 2010.

Young Boys ayaa kaliya hal jeer hore uga qayb gashay tartanka Champions League marxaladdiisa guruubyada, waxayna ahayd fasalkii 2018/19 markaas oo ay booska uga hooseeya kaga dhammeysatay guruubka.

Manchester United ayaa ciyaarta ugu horreysa ee UEFA Champions League la garaacay kaliya hal jeer 21-kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay oo ay tartanka kasoo qayb gashay, waxaana fasalkii 2015/16 2-1 kaga adkaaday naadiga PSV Eindhoven.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Young Boys:

Manchester United:

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US