(Burnley) 18 Sebt 2021. Kooxda toddobaadkii hore heshay guusheedii ugu horreysay ee xilli ciyaareedkan horyaalka Ingiriiska ee Arsenal ayaa maanta u safreysa naadiga Burnley kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Naadiga Burnley ayaa fasalkan kasii bilaabasho liidata Gunners kaddib markii ay heshay kaliya hal dhibic afartii ciyaarood ee la dheelay, halka kooxda Macallin Mikel Arteta hoggaamiyo ay hal guul gaartay taasoo la micno ah inay saddex dhibcood ka heshay afartii kulan ee lasoo dhaafay.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 05:00 Galabnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Turf Moor

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

Wararka Kooxaha:

Naadiga Burnley ayaa kulankan dib u heleysa difaaceeda Nathan Collins kaasoo garoommada kaga maqnaa dhaawac aanan la shaacin noociisa, halka Maxwel Cornet uu isna heli karo safashadiisa ugu horreysay ee naadigiisa cusub, balse waxaa ciyaartan dhaawacyo kaga maqnaan doona Connor Roberts, Kevin Long iyo Dale Stephens.

Dhinaca kale, Arsenal ayaa wali feejignaan kaga jirta inay halis galiso xiddigeeda khadka dhexe ee Thomas Partey kaasoo dhaawac kasoo laabtay toddobaadkii hore, waxaana la filayaa inuu kursiga keydka kusoo bilawdo markale.

Granit Xhaka ayaa ganaax ku seegaya kulankan, halka ay dhaawacyo kala duwan ku maqnaan doonaa Rob Holding iyo Mohamed Elneny.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool:-

Burnley ayaa guuldarro la’aan ah saddexdii is arag ee ugu dambeysay kuwaasoo labo ka mid ah barbarro ku dhammaaday midna ay guuleysatay, hase ahaatee, waxaa la garaacay toban is arag oo ka tirsan Premier League kuwaasoo ka horreeyay saddexdaan ciyaarood.

Guuldarradii ugu dambeysay ee Arsenal kasoo gaarto garoonka Turf Moor  waxay timid sanadkii 1973, tan iyo markaasna waa guuldarro la’aan kulammadii horyaalka ay halkaas kusoo ciyaartay iyadoo guul gaartay afar jeer, shanta kalena barbarro.

Burnley

Naadiga lagu naaneyso The Clartes ayaa haatan guul la’aan ku ah garoonkeeda 12-kii kulan ee ugu dambeysay horyaalka iyadoo barbarro gashay lix kulan, lixna lagu garaacay, waana abaarteedii ugu dheereyd ee garoonkeeda kaga qabsata dhanka guulaha taariikhdeeda.

Burnley ayaa xilli ciyaareedkan siddeed dhibcood lumisay iyadoo hoggaanka u heysa ciyaar ka tirsan Premier League, waxayna guul gaari weysey dhammaan saddexda kulan ee ay goolka koowaad dhalisay.

Kooxda uu hoggaamiyo Macallin Sean Dyche ayaa gaartay kaliya hal guul 29-kii ciyaarood ee lasoo dhaafay ee ay garoonkeeda kulan horyaalka ka tirsan ku qaabisay kooxaha loogu yeero Lixda Waaweyn, shan barbarro ayay gashay, halka la garaacay 23-ka kale.

Arsenal

Arsenal ayaa wajihi karta inay guuldarro la kulanto saddexda ciyaar ee ugu horreysa horyaalka ee ay bannaanka kusoo ciyaarto markii ugu horreysay 1954, kaliya 1923 ayay guuldarro ku bilaabatay saddexda ciyaar ee ugu horreysay bannaanka iyadoo aanan waliba wax gool ah dhalin.

Gunners ayaa guul gaartay 14 ka mid ah 16-kii ciyaarood ee ugu dambeysay Premier League oo ay goolka koowaad dhalisay iyadoo hal jeerna la garaacay, marka qura ee ay barbarro gashay kulammadaas waxay ku ciyaareysay garoonka maanta ay booqaneyso ee Turf Moor kaddib markii gool uu dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang uu Burnley u barbarreeyay Chris Wood.

Taas baddelkeed, Arsenal ayaa guuldarro la kulantay 15 ka mid ah 21-kii kulan ee ugu dambeysay kuwaasoo laga dhaliyay goolka koowaad, waxaana ku jira afartii jeer ee ugu dambeysay oo laga dhaliyay goolka koowaad.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa siddeed gool kaga dhaliyay Burnley toddobo kulan oo ka tirsan horyaalka Premier League waana kooxda Ingiriiska ah ee uu ka dhaliyay goolasha ugu badan, isagoo Bundesliga sagaal gool kaga soo dhaliyay naadiga Hamburg.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Burnley:

Arsenal:

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US